Shirka sadex biloodlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo mashaariic-fuliyayaasha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL 𝐌𝐝. 𝐌𝐚𝐱𝐚đĻ𝐞𝐝 𝐗𝐚đŦ𝐚𝐧 𝐒𝐚đĨ𝐞𝐞𝐛𝐚𝐚𝐧, ayaa maanta guddoomiyay shirka saddex-biloodlaha ah (Quarterly Meeting) ee xidhiidhiyeyaasha mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga Adduunku. Kulankan oo ka qabsoomay hoolka Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda mashaariicda iyo dib-u-eegista waxqabadkii saddex-biloodka koowaad ee sannadka 2026.
Agaasimaha Guud oo furay kulanka ayaa iftiimiyay dadaallada ay Wasaaraddu samaysay muddadii u dambaysay, gaar ahaan korodhka mashaariicda uu Bangiga Adduunku ka hirgeliyo Dalka iyo horumarinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dhinac. Waxa uu xusay muhiimadda kulankani u leeyahay is-weydaarsiga xogaha mashaariicda, qiimaynta heerka ay marayaan, falanqaynta caqabadaha jira, iyo raadinta xalal wax ku ool ah oo wadajir ah.
Intii uu socday shirku, waxa si qoto dheer loo lafo-guray warbixinnada saddex-biloodka koowaad ee sannadka 2026, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray heerka fulinta mashaariicda, caqabadaha hortaagan, iyo tallaabooyinka lagu horumarin karo waxqabadka.
Sidoo kale, kulanka waxa lagu soo bandhigay unug cusub oo qaabilsan isku-duwidda mashaariicda (Program Coordination Unit – PCU), kaas oo door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta isku-xidhka, kormeerka, iyo dardargelinta hirgelinta mashaariicda. Unuggan ayaa la filayaa inuu sare u qaado hufnaanta isgaadhsiinta u dhaxaysa daneeyayaasha kala duwan isla markaana kor u qaado waxqabadka guud.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta wada-shaqaynta, dedejinta fulinta mashaariicda, iyo adkaynta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo xaqiijiyo gaadhista yoolalka horumarineed.
Waxa kale oo la isla qaatay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda iyo kor u qaadista natiijooyinka la hiigsanayo.
Â