Ogeysiis (Diploma of Procurement and Asset Management)

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa uu ogaysiinayaa, dhammaan bahda jecel waxbarashada, in uu furay barnaamij waxbarasho oo heer Diploma ah, kaas oo lagu baranayo Diploma of Procurement and Asset Management.
Barnaamijkan waxa fursad u leh inay soo codsadaan, dhammaan dadka danaynaya horumarinta aqoontooda iyo xirfaddooda, dhinaca Iibsiga iyo Maareynta Hantida.
Tirada ardayda la qaadanayo waa mid kooban, sidaa awgeed; waxaa la dhiirrigelinayaa in la dadajiyo is-diiwaangelinta.
Muddada Is-diiwaangelinta:
Waxay soconaysaa 5-ta Janaayo ilaa 𝟏𝟖-𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐛đĢ𝐚𝐚𝐲𝐨 2026.
Shuruudaha Is-diiwaangelinta:
1) Shahaadada Dugsiga Sare (Asal/Original)/ iyo ( wixii ka sareeya)
2) Laba sawir oo passport ah
Waqtiga iyo Muddada Waxbarashada:
1) Waqtiga: 04:00 galabnimo – 06:00 fiidnimo
2) Muddada: 8 bilood
3) Maalmaha: 1-3 maalmood laga bilaabo Sabtida-Isniinta
Faahfaahin Dheeraad ah:
Macluumaad dheeraad ah waxa laga heli karaa, Xarunta Hargeysa ee Machadka Shaqaalaha Dawladda.